Barrow & Co Law Firm

Xil. C/qaadir Cosoble oo si kulul uga hadlay kadib markii lagu adkeeyay la kulanka Madaxweynaha.

Xildhibaan hore Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka hadlay xiisada ka dhex taagan xildhibaanada Soomaaliyeed ee qaarna ku kacsan yihiin Gudoomiyaha Baarlamanka Aadan Madoobe halka qaarna ay isaga la safan yihiin tiiyoo ay dheertahay in ku dhawaad 2 asbuuc baarlamaanku hakad ku jiro buuqa taagan darteed.
Dalxa oo wareysi siiyay Universal TV ayaa soo jeediyay in Madaxweyne Xassan aan looga maarmin inuu soo fara-geliyo xisadaan taagan.
“Waa sharci daro in uu Baarlamaanka uu xirto Aadan Madoobe,Madaxweynaha isagaa ah Ilaaliyaha sharciga kama baaqsanayso in uu soo faragaliyo buuqa Baarlamaanka” ayuu yiri Prof.Dalxa oo dalka hore uga soo noqday Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka
Mar uu ka hadlayay eeda loo jeediyay Gudoomiyaha ee ah inuu xirtay fadhiyadii Baarlamaanka ayuu Dalxa carabka ku adkeeyay inuusan jirin sharci u ogolaanaya inuu bilaa sabab xiro fadhaiyadii baarlamaanka.
Scroll to Top