Barrow & Co Law Firm

Xil. C/qaadir Cosoble oo si kulul uga hadlay kadib markii lagu adkeeyay la kulanka Madaxweynaha.

Xildhibaan C/qadir Cosoble ayaa si kulul uga hadlay kadib markii  lagu adkeeyay la kulanka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.
Xildhibaanka ayaa isagoo careysan wuxuu warqad furan u soo qorey Madaxweynaha kadibna baraha bulshada ayuu soo geliyay.
Xildhibaanku wuxuu warqadiisa ku sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay uu dhowr jeer isku dayay inuu la xiriiro Madaxweynaha isagoo raadinayay ballan kulan rasmi ah balse ay suurtageli weysay.
mar uu ka hadlayay qaabka ay ugu adkaatay la kulanka Madaxweynaha ayuu tilmaamay inuu meel kasta u maray oo xitaa uu la xiriiiray dhallinyarada Madaxweynaha la shaqeysa, balse uusan helin wax jawaab ah.
Scroll to Top